Cumar Xamaami oo kahadlay lacagtii uu duldhigay Mareeykanka

Cumar Xamaami, oo ah qofka hada loogu doon doonista badanyahay sirdoonka Mareykanka, dhanka Al-shabaabna ooga yaqaano Abuu Mansuur Al-amriiki, aya barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in wax lalayaabo ay tahay lacagihii todobaadkii tagay uu duldhigay Mareykanka, isaga iyo Jihaad Mustafa, oo labadoodaba u dhashay dalka Mareeykanka.

Warka uu Abuu Mansuur Al-amriiki soo dhigay boggisa Twitter-ka oo ay soo xiganayaan qaar kamid ah warbaahinta Caalamka, ayaa waxa uu tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay, in Mareeykanka xiligaan ay doonayan meydkiisa ama macluumaad isaga ku aadan.

Al-amriiki, ayaa xaqiijiyay inuu yahay qof xiligaan ay noloshiisa qatar kujirto.

“Waxaan hadda kujiraa nolol ciriiri ah, kadib khilaafkii nasoo kala dhexgalay aniga iyo madaxda shabaabka Soomaaliya” sidaasi waxaa agu cadeeyay warka uu Cumar Xamaami soo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-kiisa.

Al-amriiki ayaa nafsad ahaantiisa isku tilmaamay mar uu wax iska weydiiyay lacagaha uu Mareeykanka dul dhigay, oo gaaraya 5 milyan oo doolar, inuusan xiligaan ogeyn waxa ay la’egtahay qiimaha lugtiisa bidix.

Al-amriiki oo Soomaaiya u soo safray sanadkii 2006, ayaa shaaciyay in shabaabka Soomaaliya iyo mareeykanka labadoodaba ay doonayaan meydkiisa, ama ay qorsheeynayaan ineey gacanta kusoo dhigaan.

Wasaarada arimaha dibadda Mareeykanka, ayaa ballanqaad dhanka cadaalada ah ku saleysan, oo sanad waliba halmar ay qabato, ayaa 5 milyan oo doolarka Mareeykanka ah dul dhigtay sanadkaan Cumar Xamaami iyo Jihaad Mustafa, oo labadoodaba ka barbar dagaalama Al-shabaab, una dhashay dalka Mareeykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here