Cumar C/rashiid oo ka hadlay shirka Kismaayo

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa dowladda Federaalka ee Somalia ugu baaqay inay taageerto shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in aysan munaasab ahayn in dowladdu hor-istaagto qorshe ay dhaqaale badan dadka deegaanku ku bixiyeen oo ay ku damacsan yihiin inay maamul gobolladaasi ugu dhisaan, wuxuuna sidoo kale xusay in dastuurka Federaalka Somalia uu dadka deegaankaasi u ogolaanayo inay maamul sameysan karaan.

C/rashiid Cumar wuxuu dhanka kale sheegay in isaga iyo Ra’’isul-wasaaraha Somalia, Abdi Faarax Shirdoon ay ka wadahadleen arrimahan Jubbooyinka, balse ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo abaarayo maamul-samaynta.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa kamid ah ragga miisaanka culus leh, ee ka qayb galaya shirka Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Waxaan oo kale see raiisul wasaare iigu noqday maxuuse samayn jiray tolow cadaalad daro iyo nin jecleysi markuu kursiga kufadhiyay
    Walaahi soomaali siyaasadeeda waan ka sabray intii allaah xal kale uga keenaayo,nin jecleysi,sadbursi,dhulbalaarsi,xumaan oo dhan ayaa laqastaaa…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here