Cumar Cabdirashid oo Muqdisho kusoo laabtay

Ra’isulwasaarihi hore ee Somalia Cumar C/rashid Sharmaarke ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib mudo kooban oo uu ka maqnaa.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey dad ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo marki uu soo dagay kadibna shir jaraa,id ku qabtay garoonka dhexdiisa.

Mr, Sharmaarke ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweynayo ka gudbista xilliga kumeel gaarka oo uu ku sheegay arrin muhiim u ah dowladnimada saxda ah ee Soomaaliya.

Cumar     C/rashiid oo dadka wax ka sheega ay ku dhaliilan inuu yahay siyaasi caajisloow ah ayaa ku faanay in mudadi uu xilka hayey ay xukuumadiisa wadada u xaartay howlgaladi Muqdisho lagu qabtay iyo bilaabida dastuurka dhawaan la ansixiyey.

“Waxaan soo dhaweynayaa in laga gudbo kumeel gaarka loona gudbo xukuumad sax ah, aniga xukumadedi waxay gogol dhig u aheyd guulaha ay haatan dowlada gaartay, sida dastuurka la ansixiyey bilowgiisii, iyo deegaanada ay dowada qabatay oo aan anaga u gogol xaarnay,” ayuu yiri.

Ma uusan sheegin ujeedada uu u yimid hase yeeshee waxaa soo baxaya warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu rabo inuu isu soo sharaxo doorashada madaxtinimada ee 20-ka bishan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here