C/Samad oo ugu baaqay in laga hortago weerarro kale

Cabdisamad-Wasiir-300x225Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadihii KMG ahaa Cabdisamad Macallin Maxamuud, ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka ee dowladda federaalka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay uga hor-tagaan weerarro kale oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato caasimadda Muqdisho.

Cabdisamad oo haatan ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa wareysi uu siiyay Bar-kulan isagoo ku sugan magaalada Oslo ee Norway, wuxuu sheegay in weerarkii dhowaa ee Al-Shabaab ay ka geysatay madaxtooyada Soomaaliya uu niyad-jab ku abuuri karo shacabka Soomaalida oo higsanaya horumar iyo nabad.

Wuxuu sheegay inay jiraan dabacsanaan xagga ammaanka ah, in kastoo uu muujiyay inay jiraan ciidamo leh tababar wanaagsan oo ka hor-tagi kara falalka amni darrad ah.

Wuxuu ku dhiirri-geliyay hay’adaha ammaanka inay wax ka beddelaan qaabka sugista ammaanka, isla markaana la ogaado dhaqdhaqaaqa ka jira magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here