C/samad Macalin Xasan oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Lagu Sameeyay Mahiga

Wasiirkii arimaha gudaha doowladii KMG C/samad Macalin Ciise ayaa waxa uu ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay ergayga QM u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya, Augostine Mahiga, iyo magacaabista ergayga cusub mr Kay.

C/samad Macalin Ciise, ayaa xusay in Mahiga uu si gaar ah ula shaqayn jiray wasaarada arimaha gudaha doowladana ay waxbadan ka qaadan jirtay, taasoo loo sababayn karo doowlada oo xiligaas KMG ahayd.

C/samad, ayaa tilmaamay in ergayga cusub ee loo soo magacaabay xilka uu hayn jiray Mahiga loo baahanyahay in isaga doowlada uu la shaqeeyo kuna xisaabtamo in dalka uu ka baxay KMG.

“Inkasta oo uu wato siyaasada uu ku shaqeeynaayo hadana waxaa muhiim ah inuu barto qaabka iyo siyaasada ay doowlada hada jirta kus ahqeyso, Soomaaliyana maanta way ka duwantahay sidii hore, waxay leedahay doowlad rasmi ah oo iyada go’aan qaadan karta” ayuu yiri C/samad Macalin Ciise.

C/samad ayaa sheegay ineey suurtagal tahay in ismaan dhaaf uu soo kala dhex galo doowlada iyo ergayga cusub ee ay QM usoo magacaawday Soomaaliya.

“Run ahaantii mar walbo oo qof cusub la keeno waqti ayay ku qadaneysaa inuu fahmo oo uu la qabsado siyaasada doowlada” ayuu hadalkiisa sii daba dhigayw asiirkii hore arimaha gudaha doowlada KMG.

Mahiga ayaa waxa uu ahaa Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya mudo 3 sano ah, waxaana intii uu xilkaas haayay lasoo kulmay wajiyo kala duwan iyo sidoo kale inuu si gooni gooni ah hadba ula shiro madaxda katalisa gobolada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana ugu danbeyntii saameyntii iyo awoodii uulahaa ay hoos u dhacday markii uu dalka kabaxay KMG, lana dhisay doowlad rasmi ah oo loo dhanyahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here