Croatia: Luka Modric & Dejan Lovren oo Maxkamad looga yeeray

Sida ay qortay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, xidiga Real Madrid Luka Modric iyo daafaca Liverpool Dejan Lovren, ayaa waxaa looga yeeray maxkamad ku taala dalkooda Hooyo ee Croatia, si su’aalo looga weydiiyo qaabkii ay uga soo dhaqaaqeen naadigii ay kazoo if baxeen ee Dinamo Zagreb.

Labadaan xidig ayay Maxkamadu ka rabtaa ineey keenaan shahaadooyinkii ay uga dhaqaaqeen Zagreb 7 sano kahor, markaasoo ay ku kala biireen Tottenham iyo Lyon.

Luka Modric ayaa 2008 isaga dhaqaaqay Dinamo Zagreb wuxuuna ku biiray Tottenham, sidoo kale Lovren ayaa isna 2010 u dhaqaaqay Lyon.

Labadaan Laacib laguma soo oogi doono dambiyo shaqsiyadeed, balse waxaa laga rabaa oo kaliya ineey Maxamada geeyaan cadeeymo muujinaya qaabkii ay naadiga uga tageen.

Croatia waxaa dhawaan ka bilaabatay maxkamadeenta madaxweynihii hore ee Dinamo Zagreb Zdravko Mamic, kaasoo loo haysto musuq maasuq iyo wax is daba marin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here