C/raxman Faroole: ‘Waxaan leeyahay barakac waxaa laga rabaa koonfurta ee ha aadeen xerooyinka Muqdisho kuwa jooga halkaan qaxootiga isaga dhigaya’

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay dadka barakaca ah ee ku sugan magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo in ay aadaan xeryahaha barakaca ee koonfurta Soomaaliya.

Mr Faroole oo qudbad ka jeediyey sanad guuradi sadexaad ee marki loo dhaariyey xilka madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxaha Al Shabaab ay ku so dhuuntaan oo ay iska dhigaan dad barakac ah sidaasi daraadeedna aysan ka yeeli doonin in ay qal qal ka abuuraan Puntland.

Dadka barakaca ah ee ka yimid koonfurta Soomaaliya ayuu ugu baaqay Madaxweyne Faroole in ay ku laabtaan goboladi ay ka yimaadeen iyo xeryaha dadka barakaca ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa uu farta ku fiiqay gobolka Hiiraan magaala madaxdiisa Baladweyne oo uu sheegay in dowlada KMG ay ka furi rabto xero weyn oo loogu tala galay dadka barakaca ah taasi oo ay iska xaadiri karaan buu yiri.

Mar uu ka hadlay shir qoolka ay Al Shabab la damacsantahay deegaanada Puntland ayuu sheegay in ay ka war hayaan madax ka tirsan Al Shabaab oo qaarkood kasoo jeeda Puntland in lacago ku bixinayaan sidi falal amaan dari loogaga abuuri lahaa gobolada uu maamulkiisa ka arrimiyo.


Ugu danbeynti wuxuu tilmamaay in ay hayaan rag badan oo ka tirsan Al Shabaab oo qaarkood la yaqaano dadka dhalay kuwaasi oo uu sheegay in ay ku xakumi doonaan dil toogasho.

Puntlnad ayaa horay usoo ceyrisay dad badan oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya oo ay uga shakisay in ay qeyb ka yihiin falalka amaan darida ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.