C/raxman Faroole: Kuwa la difaacayo iyo kan difaacayo labaduba waa danbiile

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa si toos ah u weeraray madaxweyne Sharif Sheekh Sheekh Axmed.

Faroole oo wareysi uu siiyey BBC-da uga hadlay go,aanki kasoo baxay madaxweyne Sharif habeen hore ee ahaa in Maxkamada Sare go,aan ka gaarto xildhibaanada ay celiyeen gudiga Farsamada ayaa sheegay in arrintaasi aysan aheyn wax suura gal ah.

Wuxuu sheegay in isaga ay la tahahay in dadkaasi ay yihiin dagaal oogayaal isla markaana aanan sinnaba loo difaaci karin, isaga oo intaasi ku daray in qofka difaacayo oo uu kala jeedo Madaxweyne Sharif iyo kuwa la difaacayo [xildhibaanada la diiday] ay yihiin danbiilayaal aanan mar danbe xil ka qaban doonin dalka.

“Edeymaha aan soo jeedinay waxay ku saabsanyihin madaxdi hore oo go,aano xamar kasoo saaray, dadki dagaal oogayaasha lasoo celiyo oo ay maxkamadu soo celiso, heshisyadi lagu gaaray Garoowe iyo Gaalkacyo in cida xildhibaanada noqoneyso ay buuxiyaan shuruudo, waxaa ka mid ahaa in uusan aheyn dagaal ooge ama xag jir, “Kan u dacwoonayo dagaal ooge iyo kuwa dagaal oogayaashuba waa isku danbi, iyaga iyo qofka watana ma mudna in mar kale ay maamulaan dalka,” ayuu yiri.”

Wuxuu sheegay in qabaa,ilka Soomaaliyeed qaar lagu qasbayo in ay soo xulaan dagaal oogayaal iyadoo ay joogaan dadki wanaagsanaa sida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta saliimka ah.

Tan iyo marki uu madaxweynaha sheegay in Maxkamada Sare loo celiyey arinta xildhibaanada la celiyey waxaa diiday qaar ka mid ah saxiixayaasha, sida Faroole, Caalin iyo Cabdi Wali.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here