C/qasim Salad: ‘Ciidamada ajnabiga ah ee dalka soo galay aad iyo aad ayaan oga xumahay’

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Dr. C/qasim Salaad Xasan ayaa cambaareeyey soo galitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee dalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Qahiro ee xarunta dalka Masar oo uu ku noolyahay ayuu ku sheegay in aysan wax qeyr ah soo kordhin doonin ciidamada shisheeye ee dalka haatan ka dagaalamaya.

“Ciidamada Shisheeyey ee dalka jooga aad iyo aad iyo aad ayaan uga xumahay, waxaan la yaabanahay Golaha Amaanka horay ayuu uga mamnuucay sanadihi sagaashamaadki dalka in ay yimaadaan ciidamada safka hore ee jaarka nala ah, marka ma garanayo cida u fasaxday,” ayuu yiri.

Mr Xasan ayaa dhanka kale ugu baaqay dhalinyarada u dagaalanta Al Shabaab in ay ka fiirsadaan dhibaatada ay u geysanayaan umada, isaga oo Al Shabaab ugu baaqay in ay nabada qaataan oo ay wada hadal ogolaadaan.

C/qasim Salad Xasan ayaa mar soo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu madax ka ahaa dowladi TNG-da Soomaaliya ee lagu soo doortay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. asc waxan idin salamay bahda midnimo marka xiigta c/qasiin waa daneyste waxaan lenahay c/qasin jooji cayal suqnimada aad ku dhaqmeysid waxuu iska dhigaa sida shaqsi umada u daneynaayo war ethopia ayaad shegeysaa ciid walbo wan so dhaweyneynaa oo qawarijta allah ka furtay naga qawanaayo umada ayuu dagal ugu baqaya intee jirtay marki ardayda la qarxinaayi maxaad wax u dhihi waysay odey yahoow allah ka furtay walaahi markan ku arkay warkiisa dhiiga ayaa igu kacay abdiqasin walaahi waa dhiig ya caab weyn ayaa tahay duli

  2. Marka hore waxaa ka xumahey dadka smlyed o marba dhan u laadayo daniiste jcl inu danahiisa gaarka ah ka fushado, asagoo dadka isu tusiniya inu ka shaqeenayo danahooda iyo maslaxadodaba, waxa urur diimedka dhisey inu yahey c/qasim waa ognahey, war 70 jir kor ayaa u dhaaftee alle kabaq o iska dhaaf buunka dagaal ee aad afuufeysid, haa sax ethiopia qadiyad kulul ayaa no dhaxesa hada nahey waxgaradka u dhashey smliya lkn maanta waa nalooga daran yahey 100%, waxaa ku qanacsanahey siyasada sharif wa nin garanaya 2-arrin o madaxdi 20ki sano e burburka naso marey garan waayen dhamantod, 2-daas o kala ah:- 1-macnaha wadanka iyo qiimihisaba 2-muwaadinka iyo sharafka uu leeyahey. Tuutaha ayu ugashtey so celinta qaranimada somali weyn asigo naftisa u hurayo, marka ina salaad booy si fcn aya uga dharagsanahey danaheena halka ay ku jiraan ogowna wu dhamaadey waqtigi bulshada ku kala marin habaabin jirten sifoyin kala duwan, wareegtadana wa idin ku so socota suga adi iyo asxbtaadaba waqtigi shacabku idinla xisabtami lahaayen!

Comments are closed.