C/qaasim Salaad Xassan oo Soo Dhoweeyey ka Bixitaanka KMG-ka

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ka baxdo KMG ismarkaana ay yeelato Dowlad aan Kmg aheyn.

Xilli lagu wado in laga baxo wakhtiga KMG ah ee ay Soomaaliya muddada badan kusoo jirtay ayaa Madaxweynahi hore ee Soomaaliya waxa uu soo dhoweeyey arrintaasi.

Dr C/qaasim waxaa uu sheegay in ay waqti qaadatay in laga boxo KMG-ka waxaana uu sheegay mar hadii laga baxay ay tahay arin wanaagsan ayna soo dhaweynayaan isagoona intaasi ku daray in wixii iminka ka dambeeyana ay imaan doonaan Baarlamaan iyo Dowlad Waqti Go,an leh

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay arinta Doorashada Xilka Madaxweynenimo ee Dalka waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in Qofkaasi uu noqdo Qof Aqoonyahan ah oo garanaya Maamulka Samata bixin karana Wadanka soona dhisi karo Ra,Isil Wasaare Dalka wax u qabta, waxaana uu sheegay in Qofkaasi uu san noqon mid lagu doorto dan Shaqsiyadeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ay aragtiyo kala duwan yeelan karaan laakiin Xalkeedu uu noqonayo in wixii Sharci ah la hor geeyo Baarlamaanka loona Hogan samo wixii uu Go,aamiyo Wixii kalana ay tahay inuu Axdiga Dalka kala saaro sida uu tilaamay.

Iminka waxaa socda dadaallo loogu jiro ka bixitaanka KMG ah waxaana lagu wadaa in Dowladda dhalan doonto ay noqoto mid aan KMG ahayn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here