Costa oo sabab u noqday Milan in laga adkaado

371202_heroaAC Milan ayaa xaley laga adkaaday lugta horre ee horiyaalka Champions League, iyagoo ku cayaaraya gurrigooda San Siro.

Diego Costa ayaa dhaliyay gool kaliye ee ka dhashay kulankii AC Milan iyo Atletico Madrid, wuxuuna siddaas ku noqday cayaaryahanka reer Brazil laf dhabarka kooxda.

Macalinka Rossoneri, Clarence Seedorf ayaa ka xumaaday guuldarada soo gaartay kooxdiisa, balse wuxuu sheegay in cayaarta labaad ay is soo adkeen doonaan.

Milan waayahan dhibaatooyin waaweyn ayaa heestay, waxaana ugu wacan markii ninka is kale kooxda oo ah ra’iisal wasaarihii horre ee Talyaaniga ay ku furan tahay fadeexad.

Milan ayaa meel hoose kaga jirta horiyaalka, waxaana laga cabsi qabaa in sannadkan ay u soo bixi weyso horiyaalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here