Cosoble oo kusoo baxay Kursiga Xildhibaanimo ee aqalka Hoose

cosobleKadib Doorasho aad u adag oo hada kusoo gabagaboowday magaalada Jowhar, ayaa Cabdulqaadir Cosoble loo doortay Kursiga aqalka Hoose Beesha Warsangali Abgaal.

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa aheyd mid aad u adkeyd, oo ay ku loolamayeen Muxiyadiin Xasan Jurus iyo C/qaadir Cosoble Cali..

Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.

C/qaadir Cosoble ayaa ku badiyay 35 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 16 cod, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here