Cosoble: “Doowlada ayaa masuul ka ah Mowjadaha siyaasadeed ee kajira HirShabeelle”

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle oo dhawaan Xildhibaanada maamulkaas ay codkii kalsoonida kala laabteen, ayaa Doowlada Dhexe ku eedeeyay mowjadaha siyaasadeed ee haatan ka aloosan HirShabeelle.

Cali Cosoble, oo magaalada Jowhar saxaafada kula hadlay, ayaa ka dhawaajiyay inuu aaminsanyahay in masuuliyiinta ugu sareysa Doowlada Dhexe ee Soomaaliya, ay hormuud ka yihiin xaalada cakiran ee haatan ka taagan HirShabeelle.

Cosoble, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in xil ka qaadistiisa ay salka ku hayso Khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka, maadaama buu yiri madaxda maamul Goboleedyada ay la safteen Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka Doowlada Dhexe ee Soomaaliya iyadana ay mowqif dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay.

Waxaa xusid mudan in Doowlada Dhexe ee Soomaaliya, aysan wali wax war ah kasoo saarin Xil-ka –qaadista Madaxweynaha HirShabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here