Corneel Saneey: Balcad mar dhaw gacanta dowlada ayey soo galeysa

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada dowlada KMG Soomaaliya Corneel Maxamed Maxamuud Saneey ayaa u sheegay wariyaasha in dhawaan ay la wareegi doonaan magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Coll. Saneey ayaa tilmaamay in Balcad oo ah magaalo istaraatiiji ah ay u jiraan haatan wax ka yar 10-km taasi oo si kordhineysa cabsida laga qabo in halkaasi uu dagaal ka dhaco.

Gaadiidka isaga kala goosha inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad ayaa soo sheegaya in ciidanka dowlada ay daganyihiin deegaanka Garas-Bintoow oo 11-km u jira Balcad dhanka koonfureed.

Ma jirto ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo hortaagan ama u dhaw, inkastoo ay Shabaabku joogaan Balcad hadana waxay dadku is weydiinayaan halka ay aadeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo maalmihi lasoo dhaafay difaac kaga jiray meel u dhaw Garasbintoow.

Degmada Balcad ayaa ka tirsan Sh/dhexe waxay 30-km dhanka waqooyi kaga beegantahay caasimada Muqdisho, hadii ay qabsato dowlada waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.