Conte: “Pochettino waa mid kamid ah tababarayaasha ugu wanaagsan..”

antonio-conte-mauricio-pochettinoKahor kulankooda adag ee Galabta, Tababaraha reer Italy ee kooxda Chelsea Antonio Conte, ayaa amaan ugu qubeeyay dhigiisa Tottenham Mauricio Pochettino.

Antonio Conte, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in tababaraha reer Argentine uu kamid yahay tababarayaasha ugu wanaagsan Caalamka.

“Waa mid kamid ah Tababarayaasha ugu wanaagsan uguna xariifsan Caalamka” ayuu yiri Conte oo wareysi bixiyay waxyar kahor.

Chelsea oo hada 1 dhibic ku haysa Horyaalka Ingiriiska ayaa galabta Garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta Kooxda Tottenham oo aan iyadana ilaa iyo hada dhinaceeda dhulka la dhigin siduu u bilaawday Horyaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here