Conte oo Mourinho ku garaacaya saxiixa Morata & James

Antonio Conte oo maamula Kooxda Blues ayaa si xoogan loolan ula galaya dhigiisa Manchester United, wuxuuna qarka u saaranyahay inuu ka dul qaado saxiixa Alvaro Morata.

Wargayska Sport ee dalka Spain ayaa baahiyay in tababare Antonio Conte uu isku daygii ugu danbeeyay ku doonayo saxiixa Alvaro Morata iyo James Rodriguez oo wada jir ah.

United ayaa shuruuda shaqsiga ah kala heshiisay Alvaro Morata laakiin waxaa harsan in qiimaha laacibka ay kala heshiiso Real Madrid taas oo fursad u ah kooxda Chelsea.

Blues ayaa diyaar u ah inay ku dalbato Morata lacag dhan 75 milyan oo euro waana qiimo ka badan kan United ay ku soo dalbatay, sidoo kale kooxda ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso James.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here