Conte: Juventus waxay sameeneysa taarikh

346212_herolTababbare Antonio Conte ayaa aaminsan kooxdiisa Juventus in ay sameen karto taarkh, gaar ahaan horiyaalka Serie A.

Kooxda Bianconeri ayaa shan dhibac ka hooseesay kooxda Roma bishii la soo dhaafay balse hadda seddax dhibic ayaa ku heesaa hoggaanka, kaadib markii ay 1 iyo 0 uga badiyeen Sabtidii shaley kooxda  Udinese.

Fernando Llorente ayaa u dhaliyay  goolka kaliye ee ay ku badisay kooxda Juventus, waxaana tababbarre Conte uu doonaya in uu ku guuleesto Scudetto 3-aad  oo isku xigga-ma sameen heerkaas tan iyo sannadkii 1930s.

“Tababbare aad u nasiib badan ayaan ahay waxaan doonayaa anniga iyo cayaartoyda kooxda in aan guul gaarno,”sidaas waxaa saxaafadda u sheegay 44-jirkan markii ay dhammaatay cayaarta.

“Waxa ay ahayd cayaar aad u fiican si fiican ayey u cayaareen Brkic iyo Buffon . Mar walba waan guuleesan doonaa.”ayuu yiri Tababbarre Conte.

Kulamii shaley laga cayaaray horiyaalka waxaa ka mid ah:-

Catania     1 – 3     Milan    

Atalanta     1 – 1     Roma    

Cagliari     2 – 2     Sassuolo    

Chievo     3 – 0     Livorno            

Internazionale     1 – 1     Sampdoria           

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here