Columbus: Soomaaligii weerarka ka geystay Ohio oo la aasay maanta

Cabdirisaaq Cali Cartan
Cabdirisaaq Cali Cartan

Cabdirisaaq Cali Cartan oo ah nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii Isniintii ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ayaa shalay lagu aasay magaalada Columbus.

Qoyskiisa ayaan weli la hadlin saxaafadda iyaga oo sheegay inay ka war sugayaan baadhitanaka ay booliisku wadaan.

Hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in weerarkaas uu lahaa calaamadaha weerar argagixiso.

Ururka Daacish ayaa sheegtay in qofka weerarka gaystay uu ahaa “askari iyaga ka tirsan” sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here