Colonelka heysta Itoobiyaanka jooga Baladweyne oo makri ugu horeysay la hadlay shacabka

Kornleeka hogaaminaya ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga magaalada Baladweyne ayaa marki ugu horeysay meel fagaara ah kala hadlay shacabka, isaga oo sheegay mowqifkooda xaga amaanka.

Colonel Casarta oo shalay galab ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Baladweyne ayaa sheegay in ciidankiisu aysan la shaqeyn doonin maamulada Dooxada Shabelle iyo maamulka Ahlu Sunna ee Hiirana, balse ay taageeri doonaan maamulka cusub ee ay dowlada usoo magacaabi doonto gobolka.

Hadalkaasi ayaa meesha ka saaraya is qab qabsiga maamulada Dooxada Shabelle iyo Ahlu Suna oo ku hardamaya awooda maamuleed ee gobolka, iyo sheegashada Dooxada Shabelle ee ah in ay maamulayaan Baladweyne.

Mr Casarta ayaa tilmaamay in gobolka ay ka jiraan maamulo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo Islaami ah iyo kuwo kale oo siyaasadeed, balse ay iyaga tageersanyihiin maamulka dowlada TFG-da.

“Waxaa jira ururo kala duwan oo diimeed, waxaa jiro qaar sheeganaya maamulo kale oo dowli ah, laakin anaga waxaan la shaqeyn doonaa maamulka ay soo dhisi doonto dowlada, lama shaqeyn doono maamul intaasi ka baxsan,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ka hadlay warka sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ay ka laaban doonaan Baladweyne, isaga oo warkaasi ku tilmaamay mid been ah.
“Baladweyne kama baxeyno ama dalka Soomaaliya meelaha aan ka joogno, hadii aan ka baxnana waxaan kuma wareejin doono Al Shabab, ee waxaan ku wareejin doonaa dowlada iyo ciidamada AMISOM.” sidaa waxaa yiri Colonel Casarta.

Waa marki ugu horesay oo uu sarkaal Itoobiyaan ah kula hadlo magaalada Baladweyne shacabka, tan iyo marki ay magaalada xoog uga qabsadeen Al Shabab, 31-ki bishi December.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.