Colonel Cageey: “Dhowr jeer ayey nasoo weerareen dhowr jeerna weey jabeen”

Taliyaha Gaaska Labaad ee ciidamada dowlada KMG Soomaaliya Cololen C/laahi Cismaan Cageey ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo Amisom ay fariisimo muhiim ku qabsadeen dagaaladi shalay ka dhacay duleedka Muqdisho.

Colonel Cageey oo maamula ciidamada dowlada ee fariisinka ku leh deegaanka Xoosh ee degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in hada ay caga dhigteen oo ay dageen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM Daarta Maslax, Cali Jannaale iyo Abagadaha oo uu sheegay in ay yihiin sadex meel oo istaraatiiji ah.

“Ciidanki shalay hormuar ayuu sameeyey wuxuu dagay Maslax, Jaamacadi Shabelle halkaas ayeyna difaac uga jiraan weyna dageen wax dhib ah ma jirin Ilaah mahadii howshaasina guul ayaa laga gaaray, dhanina Dharkeenleey waxaan dagnay Cali Janaale iyo Kaxda iyo Abagado,” ayuu yiri.

Korneel Cageey ayaa sidoo kale sheegay in shalay galab iyo xalay ay Al Shaab weeraro rogaal celis ah kusoo qaadeen dhowr jeer balse ay jabeen sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalki shalay ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen ciidamada AMISOM isla markaana ay ka dileen ciidanka Burundi sagaal askari.

Xaalada deeganadi shalay lagu dagaalamay gaar ahaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa wali qasan waxaana isku hor fadhiya halka loo yaqaano Dugsiga Shabelle dhinacyadi dagaalamay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.