Coll:Muungaab oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Sudan

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa booqasho rasmi ah waxa ay uga bilaabatay dalka Sudan.

Muungaab oo ka mid ah ardaydi Soomaaliyeed ee kusoo wax bartay dalka Sudan ayaa shalay gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalkaasi, halkaas oo uu u tagay sidi uu wada hadalo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya ula soo qaadan lahaa madaxda xeer ilaalinta Sudan.

Hadal uu siiyey wariyaasha ku sugan Khartoum ayuu ku sheegay in uu la qaatay qaar ka mid ah hogaanka garsoorka dalkaasi oo uu kala hadlay sidi ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta dhinaca garsoorka Soomaaliya.

Muungaab oo dalka Sudan kaga soo baxay taqasuska culuumka Daraasaadka Islaamka ayaa sheegay in uu la kulmay gudiga garsoorka dalka Sudan iyo aqoonhano kale oo ku xeel dheer garsoorka isaga oo uga war bixiyey xaalada Soomaaliya gaar ahaan howlaha ay hada qabato maxkamada ciidanka qalabka sida.

Sida wararku ay sheegayaan Xasan Muungaab ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo caasimada madaxweynaha dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir ka hor inta aysan u dhamaan booqashada Khamista soo aadan.

Muungaab ayaa si weyn usoo caanbaxay sanadki lasoo dhaafay kadib marki Maxkamada Ciidanka Qalabka sido ay fulisay xakuno dil ah oo lagu qaaday gacan ku dhiiglayaal u badnaa ciidan taasi oo Muqdisho ka dhigtay amaan gaar ahaan meelaha ay maamusho dowlada.

Ciidamada dowlada qaar ayaa waxaa lagu yaqaanay dhac iyo dil, hase yeeshee tan iyo marki Maxkamada milatariga la sameeyey waxaa yaraaday ciidanka sida macna darada ah u dila dadka rayidka ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.