Cole oo ka shalaayay in uu ciyaaro Liverpool

Ciyaaryahan Joe Cole ayaa sheegay in uu ka shalaayay markii uu tagay  kooxda Liverpool  oo labo sanno iyo bar uu joogay garoonka Anfield.

Xidigga qadka dhexe hadda uga ciyaara West Ham ayaa dib ugu biiray kooxdii uu yaraantii ka soo billaabay ciyaaraha bishii January ee sannadkan, kaddib markii uu la qabsan waayay noqlasha kooxda Merseyside.

Wuxuu yiri waxaan dareemayay arrin aad u xun oo ah bukaanimo.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in fursad ay u ahayd markii uu ku biiray kooxda  Tottenham, laakin wuxuu yiri kooxda Chelsea taageerayaasheeda ayaa necbeestay in joogo garoonka White Hart Lane.

“Inta aan ciyaarayay kooxda aan dhibsaday waxa ay ahayd Liverpool, haddii aan awoodo mar hore ayaan ka tagi lahaa,”ayuu yiri .

31-jirkan ayaa sheegay in uu hadda ku qanacsan yahay la joogitaanka kooxda West Ham

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here