Cole oo ka fikiraya cayaaraha

Cole oo ka fikiraya cayaaraha
Cole oo ka fikiraya cayaaraha

Difaaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiisan doon cayaaraha gabi ahaan, haddii uu ka tago kooxda galbeedka London ka dhisan.

Cayaaryahanka oo hadda dalxiis ku jooga dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu si xor ah uga tagi doono kooxda Chelsea marka uu furmo xilli cayaareedka soo socda.

Cayaaryahanka difaaca bidix ka cayaara ayaan hadda ka mid ahayn cayaartoyda xulka Ingiriiska ee ka qeybgalaya tartanka koobka adduunka ee ka socda dalka Brazil.

Cole ayaa saxaafadda u sheegay haddii uu waayo koox u qalanta in uu ku taamayo in uu ka fadhiisto cayaaraha gabi ahaan.

Xiddiggan ayaa muddo u soo cayaarayay kooxda Chelsea, wuxuuna kula guleystay koobka ugu qaalisan Yurub oo ah Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here