Col. Xaamud oo Sheegay inay Xaqiijiyeen Amaanka Gobolada Banaadir, Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe

Ciidamada Nabad Dhalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen amaanka Gobolo ka tirsan Dalka Soomaaliya oo ay horey u heysteen xoogaga Alshabaab.

Afayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa Dowlada Soomaaliya ay xaqiijiyeen amaanka Gobolada kala ah Banaadir, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe.

Afayeenka ayaa sheegay in wadooyinka isku xira goboladan ay marki hore ka dhici jireen weeraro, balse hada uu sheegay inay xaqiijiyeen amaankooda oo aysan jirin wax weeraro ah oo ka dhaca

Sidoo kale Afayeenka ayaa sheegay inay dhamaad yihiin qorshihii ay ugu talo galeen Gobolada dalka Soomaaliya ee laga saaray alshabaab, isagoo sheegay inay ka mid tahay magaalooyinka lagu muransan yahay sida magaalada Kismaayo.

Masuuliyiinta Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa markasta ka dhawaajiya in amaanka Muqdisho iyo gobolada dariska la ah ay yihiin amaan, iyadoo habeen kasta ay ka dhacaan falal lid ku ah amaanka, waxaana masuuliyiinta ay ku faanaan in amaanka ay badan ka qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here