Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare oo xilka la wareegay

Gudoomiyaha  maxkamada ciidamada Qalabka sida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare

Xaflada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta maxkamadda ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, Arrimaha gudaha, Garsoorka iyo Beeraha xildhibaanno, taliyayaasha ciidamada qalabka sida, Gudoomiyaha Gobolka, qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo martisharaf kale.

Gudoomiyaha gudiga Qareennada Soomaaliyeed C/raxmaan Abuukar Macalin oo ugu horeynti munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maxkamada ciidamadu ay tahay mid Dastuuri ah oo ka mid ah awoodaha garsoorka dalka, isagoo tilmaamay in xukunnada maxkamada ay saldhig u tahay shareecada Islaamka, isagoo soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay, wuxuuna ballan qaaday in guddiga Qareenadu ay si hufan ula shaqeyndoonaan gudomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Col. C/raxman Maxamuud Tuuryare.

Taliyayaasha ciidamada qalabka sida oo munaasabada ka hadlay ayaa ballan qaaday iney si wanaagsan ula shaqeyndoonaan gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka waramay marxaladihii kala duwana ee ay soo martay maxkamada mudadii uu xilka hayay iyo duruufihii ay ku shaqeynayeen xiligaas iyo guulihii la gaaray.

Gudoomiyaha cusub ee maxkamada ciidamada Qalabka sida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare oo kadib markii uu xilka la wareegay hadlay aya uga mahadceliyay gudoomiyihii hore howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, isagoo balan qaaday inusan u jixin jixi doonin ciddi sharciga ka hortimaada, wuxuuna ku baaqay in la ansixiyo sharciga la dagaalanka argagixisada ee horyaala baarlamanka.

DSCF7648 DSCF7659 DSCF9008 DSCF9009 DSCF9013 DSCF9033 DSCF9039

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here