Col. Cali Gaab Oo Mootooyinka Bajaajka Ka Mamnuucay Waddada Maka Almukarama

Taliska ciidanka nabad geliyada waddooyinka ayaa amar ku bixiyay in Mootooyinka dadweynaha qaada ee loo yaqaano Moto Bajaaj aysan isticmaali karin wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ku dhawaaqay amarkan uu ku mamnuucayo in Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ay isticmaalaan wadada Maka Almukarama,  taasoo uu sabab uga dhigay in wada yaasha mootooyinkaasi aysan ilaalin sharciga marista waddooyinka.

Col.  Cali Gaab ayaa sheegay in mootooyinka ay dhibaatooyin farabadan ku hayaan waddooyinka  ugu ciriiriga badan caasimadda wuxuuna ku dhaliilay wadayaasha mootooyinkaasi iney san badankood xilkas aheyn.

“Ma ogolaan doono in mootooyinkaas lagu raaco Laba qof kabadan, sidoo kale talaabo adag ayaan ka qaadeynaa wadihii bilaa sharci kaxeeya mootooyinkaasi” sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Col. Cali Gaab.

Waddada Maka Almukarama oo si wanaagsan loo dayactiray ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca shilal ay sababaan xowliga lagu kaxeeyo gaadiidka isticmaala wadadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here