Col Cali Aadan Xumad oo Wacad ku Maray Qabsashada Magaalooyinka Jowhar iyo Jilib

Cali Aadan Xumad Afahayeenka Ciidamada AMISOM Coloo la hadlay warbaahinta ayaa waxuu balan qaaday in ay dhawaan la wareegi doonaan deegaanada wali gacanta ay ku hayaan Xarkada Alshabaab.

Col Cali Aadan Xumad Afhayeenka AMISOM ayaa carabka ku dhuftay in ay dhawaan la wareegi doonaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabellada dhexe iyo Degmada Jilib oo katirsan Jubbada Dhexe oo kamid ah Magaaloyinka fara ku tiriska ah ee wali ay ka arrimiyaan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Cali Aadan Xumad ayaa intaas ku daray in ay sii wadi doonaan weerarka ay ku hayaan Xarakada shabaab ilaa ay kala wareegayaan dhamaan gacanta ku haynta Gobalada ku harsan gacanta Xarakada Al-shabaab.

Sikastaba Gobala badan ayaa horay gacantooda uga baxaday Xoogaga Alshabaab kadib markii guluf colaadeed ay kala kulmeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaayo waxaana hada ku hartay gacantooda Magaalooyin fara ku tiris ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here