Col. Cali Aadan Xaamuud” Al-Shabaab Waan ka Tir-Tirnay Dalka Soomaaliya”

Afhayeenka Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Col. Cali Aadan Xaamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Taliska Amisom ee Xalane, oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde ayaa wuxuu ka warbixiyay dhawr qoddobo.

Afhayeenka ayaa wuxuu ka hadlay sanadkii hore iyo guulihii ay gaareyn Ciidamada Amisom, wuxuu xusay in sanadkii hore ay Al Shabaab si rasmi ah uga wada sifeeyeen sida uu yiri Magaalada Muqdisho, ayna sidoo kale nabad ku soo dabaaleen Caasimada, isla-markaana wuxuu sheegay inay gaareyn Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, oo uu tilmaamay inay ka saareyn Ururka Al Shabaab.

Isla sanadkii 2012-kii ayuu sheegay inay Ciidamada Amisom u qabsoomeyn inay ku soo biiraan buu yiri Ciidamada Dowladaha Jabuuti iyo Kenya, si’ay markaasi uga qeyb qaataan dagaalada Al Shabaab Somaliya looga sifeynaayo.

Ciidamada Dowladda Jabuuti ayuu ku ammaanay inay nabad ka hirgelinayaan Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan iyo weliba Deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kalana Ciidamada Kenya ku ammaanay inay nabad ku soo dabaalayaan Magaalada Kismaayo.

Amisom ayaa wuxuu xilligaan uu sheegay inay diirada saareyso sidii ay isugu furi laheyd wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, oo uu xusay inay xilligaan qeybo ka mid ah ku sugan yihiin Ciidamadooda.

Col. Cali Aadan Xaamuud ayaa wuxuu kaloo sheegay in qorshahoodu uu qeyb ka yahay inay nabad iyo kala dambeyn ku soo dabaalaan, dhamaan goobaha ay kala wareegayaan Ururka Al Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Amisom ay balan qaadayaan inay soo dhaweynayaan ragga ka soo goysanaaya Ururka Al Shabaab, ka Cali ahaan ayuu sheegay in uu balan qaadaayo inaan wax yeelo loo geysan, haddii ayba isa soo dhiibayaan dagaal yahanada Al Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa wuxuu xusay inay ka go’an tahay inay taggaan goobaha ay weli gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, si markaasi ay uga dhaliyaan sida uu hadalka u dhigay nabad.

Dhanka kale Col. Cali Aadan ayaa wuxuu Beesha Caalamka uu ka codsaday inay taageero ugu yaboohdo Ciidamada Amisom, si buu yiri aan u sii wadno taageerada aan siineyno Dowladda Somaliya.

Ugu dambeen Col. Cali Aadan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkaan cusub ay tababaro u furi doonaan Ciidamada Dowladda Somaliya, haddii shalay dibadda lagu tababari jiray, ayuu sheegay in maanta ay Somaliya ku tababarayaan, sida uu yiri.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here