Col. Caalin: “saxiixayaasha roadmap-ka uma dhameyn go,aanki Madaxweynaha”

Hadal xalay kasoo baxay Madaxweyne Sheekh Sharif oo ahaa in maxkamada sare ay go,aan ka gaari doonto xildhibaanada laga reebay baarlamaanka ayaa waxaa durba mucaaraday qaar ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka.

Colonel Maxamed Axmed Caalin oo ka mid ah lixda ruux ee loo yaqaano saxiixayaasha roadmap-ka ama wadada qariirada nabada ee Soomaaliya ayaa in go,aan xalay kasoo baxay madaxweynaha uu ahaa mid qalad ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay shir xalay ay madaxtooyada Soomaaliya ku yeesheen afar ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka ayey ku go,aamiyeen in maxkamada sare loo daayo go,aan ka qaadashada xildhibaanada ay gudiga farsamada u diideen in ay ku biiraan baarlamaanka cusub.

“Arintan aan ka hadli doono ayaa ah warki kasoo baxay xalay madaxweynaha oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah saxiixayaasha, go,aankaasi wuxuu ahaa mid aanan loo dhameyn, Dowlada Federaalka go,aan ay kaligeed leedahay oo ay qaadan karto ma jirto, barnaamijkan roadmapka hal sano ayuu soo socday oo mabra meel ayaa lasoo marayey oo lasoo dharaandhirnayey,” ayuu yiri Caalin.

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in 24-ka saac ee soo aadan ay go,aan ka qaadan doonto maxkamada sare arinta xildhibaanada la reebay.

“Waxaan shaki ku jirin gudiga maanta waxaan heysanaa baarlamaan marka gaba gabadi waxaan rabnaa in ay ku dhamaato si nadaamsan, dadki ay gudiga soo celiyeen qaabki ugu haboon waxay noqotay in maxkamada sare lagu wareejiyo maxaa yeelay dadkaanw aa Soomaali, walibana dad badan oo ka mid ah waxay qeyb ka ahaayeen qaabka nabada ee dalka marka sidaas ayaan isla garanay maxkamadana ay go,aan ka gaarto,” ayuu yiri Shariifka.

Xildhibaanadan oo u badan taageerayaasha madaxweynaha ayaa arintoodu noqotay mid siyaasadeysan oo xitaa maalimihi lasoo dhaafay ay soo fara gelisay beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sadex kulan oo uu la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka ku adkeystay in ay waajib tahay in qof aysan maxkamad ku helin danbi laga dhigo danbiile loona diido xaqiisa muwaadinimo.

Gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka ayaa u cuskaday xildhibaanada la celiyey qaar buuxin waayey shuruudihi laga rabay kuwaasi oo ay ka mid yihiin in ay ahaayeen dagaal oogayaal iyo qaar aanan heysan shahaado dugsi sare.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here