Col Bariise; Waxaan soo qabanay gabar qorsheyneysay inay isqarxiso

Taliyaha ciidamada dambi baarista ahna afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Col Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa maanta ku qabtay shir jaraa’id xafiiskiisa isagoo ku soo bandhigey dhalinyaro lagu eedeynayo in ay dilal geeysteen.

Taliyaha ciidamada dambi baarista ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen illaa iyo 18 ruux oo loo haysto inay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Col Bariise ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan gabar Soomaaliyeed oo ka dhintey nin isku qarxiyey madaxtoyada magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay Bariise in gabadhan ay dooneysay in ay isqarxiso maadaama hore ninkii ay u dhaxday uu isqarxiyey. Waxana uu sheegay taliyuhu in igabadhan xabsiga ay u gudbiyeen ayna doonayaan in ay badbaadiyaan nafteeda iyo kuwii ay dili lahayd haddii ay is qarxiso.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka ciidamada Booliska u usheegay in ay gacanta ku hayaan dad badan oo loo haysto inay dilal ka geysteen dalka ayna kamid ahaayeen ururka Alshabaab.
Ma aha markii ugu horeysey ee ay ciidamada Booliska soo bandhigto dhalinyaro lagu eedeynayo in ay dileen dad rayid iyo ciidanba isugu jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here