Codeynta wareega ugu danbeeyey oo hada soo gaba gabowday

Waxaa hada soo gaba gabowday codbixinta wareega sadexaad oo ah kan ugu danbeeyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dhiibtay codadkooda, iyaga oo kala dooranaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo si lama filaan ah ku yimid wareega ugu danbeeya.

Goor dhaw ayuu gudiga doorashada bilaabayaa tirinta codadka, iyadoo aanan la ogeyn sida ay wax noqon doonaan iyo cida ku guuleysan doonto.

Dr. Cabdi Wali gaar iyo C/qadir Cosoble Cali oo ka mid ah afarti musharax ee kasoo baxday wareega koowaad ayaa ka tanasushay, waxaana Cabdiwali uu si cad u taageeray in is badal la sameeyo oo uu kala jeeday in aanan la dooran Sheekh Shariif.

Saacadaha soo aadan ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya afarta sano ee soo aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here