Codeynta doorashada baarlamaanka oo hada bilaabatay

Waxaa hada si rasmi ah uga bilowday xarunta Dugsiga Janaraal Kaahiye codbixinta doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ka hor inta aysan bilaaban cod bixinta ayaa waxaa hadalo ku saabsan sharciga doorashada ka aqriyey gudoomiyaha gudiga doorashada Caasha Xaaji Cilmi oo sheegtay in gudoomiyaha la dooran doono uu noqon doono kii ugu horeeyey ee uu yeesho baarlamaanka Soomaaliya ee aanan kumeel gaarka aheyn 21 sano kadib.

Waxa ay sheegtay in kooramka baarlamaanka uu yahay 184, isla markaana ay maanta xaadir yihiin 226 mudane kuwaasi oo dooran doono.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa dooran doono 150+ 1 taasi oo suura galin karto in qofki helo uu guuleystay.

Wareega koowaad ee doorashada waxaa qofki ugu horeeyey ee codkiisa dhiibtay uu noqday gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee baarlamaanka xildhibaan Muuse Xasan Cabdi, waxaana ku xigsaday musharaxiinta shanta ah.

Wixi kusoo kordho kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here