Cod bixinta Kenya oo bilaabatay iyo rabshado lasoo sheegayo

Malaayiin dadka reer Kenya ah ayaa saakay u dareeray goobaha Cod bixinta, si ay u codeeyaan doorashada madaxweyna wadankaas, goloyaasha baarlamaanka, barasaabyada, iyo kuwa deegaanada Hoose.

Cod bixintaan ayaa noqoneysa tii ugu horeeysay tan iyo markii la meel mariyay dastuurka cusub ee loogu talagalay in lagaga baaqsado rabshadihii qabaa’ilka ku saleysnaa ee ka dhacay wadankaas, kadib doorashooyinkii hore.

Dad kabadan 1,000 qof ayaa ku dhintay doorashadii hore markii dadkii u ololeeynayay ay u kala qaybsameen qabaa’ilka ee ay ku dagaalameen natiijadii kasoo baxday doorashadaasi.

Waxaa laga yaabaa inay tahay doorashadii guud ee ugu muhiimsaneyd dalka Kenya tan iyo markii uu xornimada qaatay konton Sano ka hor sanadkii 1963.

Dadka ka faalooda siyaasadda, ayaa si dhaw ula socon doona codbixintan, ma ahan oo keliya Kenya gudaheeda laakiin caalamka oo dhan.

Ahmiyadda doorashada

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo doorashadii 2007 ee muranku ka dhashay, taasi oo horseedday rabshado ka dhacay dalka oo 1300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan nus milyan qofna ay ku barakaceen.

Sidoo kale waa doorashadii ugu horreysay ee la qabto tan iyo markii dastuurka cusub dalku ka hanaqaaday, kaasi oo xorriyad iyo xuquuq dheeraad ah siinaya dadka Kenya.

Waxaa madaxweynenimada u tartamaya sideed musharrax laakiin waxa diiraddu saaran tahay labada ugu cadcad oo kala ah Raiisul Wasaaraha, Raila Odinga iyo Ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta.

Arrimaha ugu waaweyn

Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweynaa intii sanadkan ay socdeen ololaha doorashada waxa ay ahayd arrinta lahaanshaha dhulka. Waxaana ay ahayd mid ay dhibaato ka taagan tahay tan iyo xilligii isticmaarka. Bulshooyinka Kenya qaarkood ayaa ku doodaya in aanay dhul heli karin. Dhulku waxa uu gacanta ugu jiraa shaqsiyaad awood badan, oo inta badan si sharci darro ah ku helay amaba dowladda.

Waxaa kale oo jira arrinta dib u heshiisiinta qowmiyadaha colaaddu ku dhexmartay rabshadihii dhacay 2008 doorashadii kadib, iyo dib u dejinta dadkii barakacay. Ilaa maanta in ku dhaw boqol kun oo Kenyan ah ayay tahay in dib loo dejiyo, sida ay dowladdu sheegtay.

Dacwadda maxkamadda ICC

Mid ka mid ah ragga u tartamaya madaxtinimada Uhuru Kenyatta iyo saaxiibkii William Ruto waxaa dacwad uga socotaa maxkamadda caalamiga ee Hague, dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada oo dhacay xilligii rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay. Labada ninba si xooggan ayay u beeniyeen eedeymaha.

Iyada oo ay jireen tallaabooyin wax looga qabanayo musuqmaasuqa, haddana weli Kenya si xoog leh ayuu uga jiraa gaar ahaan shirkadaha dowladdu leedahay iyo kuwo kooban oo hey’adaha dadka ah sida booliiska.

Doorashadii 2007 waxaa jiray saddex xubnood oo la dooranayay oo keliya, kuwaasi oo kala ahaa Madaxweyne, Xubin Baarlamaan iyo Golaha Deegaanka. Hadda qofka codka dhiibanaya ee Kenyan ah waxa uu dooranayaa Lix qof oo kala ah Madaxweyne, Sanetor, Guddoomiye gobolka, Xubin Baarlamaan, wakiil deegaan iyo wakiil dumar ah.

Maxaa laga doonayaa Musharraxa?

Si musharraxa Madaxweynuhu u guuleeysto waa inuu helaa 50 boqolkiiba iyo hal dheeri codadka guud ee la tiriyay iyo boqolkiiba 25 codadka 24 ka mid ah 47 deegaan.

Tani waxa ay tahay mid lagu xaqiijinayo in qofka guuleysta uu yahay mid taageero ka heysta dalka oo dhan iyo dhamaan qowiyadaha kala duwan.

Haddii taasi ay dhici weyso waxaa la gelayaa wareeg labaad, oo doorasho ah oo la qabanayo 30 maalmood gudahood, oo ka bilaabaneysa marka natiijada lagu dhawaaqo.

Waxaa dadku ay dooranayaan labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegga koowaad.

Mid ka mid ah arrimaha adag ee horyaal dowladda cusub waxa ay tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso dastuurka cusub iyo inay la tacaasho niyad wanaagga shacabka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here