Clinton oo ku Dhawaaqday Aqoonsiga Dowlada Cusub ee Soomaaliya

Dowlada Dalka Mareykanka ayaa aqoonsatay Dowlada cusub ee Soomaaliya, kadib mudo 20 sano ah oo ay Soomaaliya heysan wax nidaam iyo kala dambeyn ah.

Dowlada Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa furtay Bog cusub, kaasoo ay ku sameysanayaan Xiriir Diblumaasi, waxaana Dowlada Mareykanka ay aqoonsatay Dowlada Soomaaliya.

Inta aan lagu dhawaaqin in Soomaaliya ay tahay Dowlad buuxda oo caalamka wax la qeybsan karta, waxaa kulan xasaasi ah qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirada arimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton, waxayna ku lafo gureen arimo badan iyo isbadalka ka dhacay Dalka Soomaaliya.

Wada hadalka kadib Wasiirada arimaha Dibada Mareykanka Clinton ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay tahay Dowlad buuxda oo caalamka wax la qeybsan karta, waxaana ay sheegtay in Soomaaliya iyo Mareykanka uu dhexmari doono xiriir diblumaasi.

” Maanta waa maalin taariikhi ah, ma ahan dhamaadka safarka, laakiin waa guul weyn oo horey loo qaaday oo lagu dhameeyay wax horey u soo jiray ” waxaa sidaa tiri Hillary Clinton wasiirada arimaha Dibada Mareykanka.

Wasiirada Arimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegtay in ay tahay marki ugu horeysay ee Mareykanku uu aqoonsi u fidinayo Dowlada Soomaaliya tan iyo sanadii 1991, markaasi oo ay meesha ka baxday xukuumadii Milatariga ee Allaha u naxariistee Madaxwyene Maxamed Siyaad Bare.

Aqoonsigan ayaa noqonaya mid wax weyn u ah Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo la qaadan karaa dhigiisa Mareykanka sidoo kalana wasiirada waxa ay kulamo la qaadan doonaan wasiirada dalkaasi, iyadoo marki hore ay la kulmi jiren saraakiil loo soo diro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here