C/laahi Axmed Cadow: waxaan u sharaxanahay xilka madaxtinimada Soomaaliya

C/laahi Axmed Cadow oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa durbadiiba kaga dhawaaqay caasimada inuu doonayo inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in madaxdi hore aysan ka qaban dalka wixi laga doonayey, isaga o intaasi ku daray in baahidi ay wali taagantahay.

“Waxaan u imid kow waa in dadkeyga aan soo booqdo, waayo waxaan ka maqnaa caasimada ku dhawaad 10 sano, waxa kale oo jirto waa in aan joogno waqti kala guur ah marka in aan goob joog noqdo dalka, waxaana suura gal ah in aan isu soo sharaxo doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya,”

C/laahi Axmed Cadow ayaa laba jeer oo hore isu soo taagay xilka madaxtinimada Soomaaliya, doorashooyinki ka dhacay dalalka Jabuuti iyo Kenya sanadihi 2000, iyo 2004.

Sanadki 2000 waxa uu la tartamay madaxweynihi hore ee dowladii TNG-da C/qasim Salad Xasan isaga oo dhaafi waayey wareega labaad.

Sidoo kale doorashadi madaxtinimada Soomaaliya ee ka dhacday dalka Kenya sanadki 2004 ayuu ku lumiyey madaxweynihi hore C/laahi Yusuf Axmed oo isna ku reebay wareega labaad.

Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha August ee sanadkaan kadib, waxaana dadka lafa guro siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan in murashaxa ugu cad cad xiligaan uu noqon karo madaxweynaha xiligaan Shariif Sheekh Axmed.

C/laahi Axmed Cadow ayaa lagu tiriyaa siyaasi rug cadaa ah, waxa uu ku noolaa mudo dalka Mareykanka, hase yeeshee dadka dhaliilo ayaa ku sheega siyaasi gaboobay oo dhaafay da’di wax maamuliada iyo inuu yahay nin aanan wax badan kala socon xaalada dalka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.