C/kariin Xuseen Guuleed: “Amaanka Deyniile waxaa lagu soo celin doonaa 3 bilood” Dhagayso

Munaasabad si aad ah loo soo agaasimay laguna soo dhaweeynayay maamulka Cusub ee degmada Deyniile loo magacaabay, ayaa waxa kasoo qayb galay, Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiiru doowlada wasaarada arimaha dibadda, xubno katirsan maamulka gobolka Banaadir, Oday dhaqameedyo iyo dad weyne aad ufarabadan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay  ayaa sheegay in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile ay ku timid qorshe dhanka ammaanka ah,waxaana uu xusay in isaga iyo Guddoomiyaha cusub ay ku heshiiyeen in 3-bilood lagu xaqiijiyo ammaanka Degmada,lagama maarmaana ay tahay inay ka qeybqaataan bulshada Degmadaasi.

Intii ay socotay munaasabada ayaa isna waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Dayniile Xiireey Muxudiin Cumar oo halkaasi ka sheegay inay ka dalbanayaan Dowladda gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha inay ka qeyb qaataan sida Bulshada Degmadaasi loo bari lahaa jiritaanka Dowladnimo iyo ka qeybqaadashada Nabadgalyada.

Halkaan ka dhagayso codka wasiirka Arimaha gudaha:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/2.mp3″]

Guddoomiyaha Odayasha dhaqanka Beelaha daga Muqdisho Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dagmada Dayniile ay ku nool yihiin shacab badan ayna u baahan tahay in laga hormariyo waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada si ay ula jaan qadaan shacabka kale ee ku dhaqan dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here