C/kariin Xuseen Guuleed: “100 Maalmood ayay Heystaan Dhalinyarada Alshabaab, Ha isku Soo Dhiibaan Dowlafa”

Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay ka hadkalay deegaan lagu magacaabo Siqiira ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay xaqiijin doonto amaanka dalka guud ahaan.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Muwaadin kasta oo Soomaali ah inuu xaq u leeyahay inuu helo Nabad sida Umadaha caalamka ay u heystaan, taasi darteedna waxaa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay ku xaqiijin karaan amaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay fursad siineyso dhalinyarada Alshabaab ku jira, isagoo sheegay inay heystaan Boqol maalmood inay isugu soo dhiibaan dowlada, si ay u helaan Nabad.

“Waxaan ugu baaqeynaa in ay arrintaasi ayada ah ka soo laabtaan, dowladdu waxa ay siisay mudoo boqol maalin ah dhaliyarada Al Shabaab ku jirta si ay uga soo laabtaan islamarkaana bulshadooda ay u dhax galaan iyagoo aan waxba loo dhimeyn.” Sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha guddaha iyo Amniga qaranka.

Wasiirka  ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ay amar buuxa ku qabaan inaysan dhibaateyn qofki ka soo goosta dhanka Alshabaab.

Gaba gabadii hadalka wasiirka waxaa uu sheegay in loo baahan yhay in la taageero ciidamada Dowlada si loo xaqiijiyo amaanka dalka iyo midka caasimada Muqdisho, loona dabar gooyo Alshabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here