Ciyaaryahanada ay u badantahay ineey seegaan kulanka El Clasico

14800161244939-1

Barcelona: Ciyaaryahanada loo badinayo ineey ka maqnaadaan.

 

  1. Andres Iniesta: Waa macquul inuu ciyaaro…

14800145953801

32-jirkaan waxa uu ku dhaawacmay kulan ay kooxdiisa Barcelona 22 October Kooxda Valencia kula ciyaartay Garoonka Mestalla Stadio.

Iniesta ayaa ka dhaawacmay anqawga waxaana bilawgii loo badinayay inuu garoomada ka maqnaado 7 ilaa 8 Isbuuc, taasoo ka dhigan inuu seego kulanka aadka loo wada sugayo ee El Clsico, laakiin waxa uu si rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kooxda Koowaad.

Iniesta ayaa tababarka kusoo laabtay isbuucaan si adag ayuuna u shaqeynayaa, balse waxeey u badantahay inuu daqiiqado kooban ka ciyaaro kulanka E Clasico.

2-Samuel Umtiti: shaki badan ayaa ka jira inuu ciyaaro El Clasico.

14800148399351

Si lamid ah xaalada Iniesta waxeey u badantahay in daafaca reer France aan lagu soo bilaabin kulanka El Clasico ee dhici doona 3-da December.

Laacibkan ayaa kusoo dhaawacmay gudashada waajibaadkiisa Qaran, waxaana dhaqaatiirta Barcelona ay kalhore sheegeen inuu Garoomada kamaqnaan doono mudo 3 isbuuc ah.

  1. Jeremy Mathieu: Wali kuma soo laaban tababarka.Daaficii hore ee Valencia waxa uu kamid yahay ciyaaryahanada la hubo ineey seegi doonaan Kulanka El Clasic.
PRUEBAS FISICAS
PRUEBAS FISICAS

Jeremy Mathieu waxaa horay loo shacaiyay inuu garoomada kamaqnaan doono mudo 3 isbuuc ah, balse mudadii la filayay wuu sii dhaafay walina tababarka kuma soo laaban.

Real Madrid: Waxaa ka dhaawacan 5 Ciyaaryahan.

1-Toni Kroos: Waxa uu sameeynayaa Horumar wanaagsan.

14800152612350

Xidiga reer Germany oo kusoo dhaawacmay gudashada waajibaadka qaran, ayaa hada u muuqda mid sidii la filayay ka duwan usoo kabsanaya.

Toni, ayaa kamid ah xidigaha la xaqiijiyay ineey seegi doonaan Kulanka El Clasico, balse waxa uu si rasmi ah garoomada ugu soo laaban doonaa 10-ka December, markaasoo Real Madrid ay kulan La Liga katirsan la ciyaari doonto kooxda Deportivo La Coruna.

  1. Gareth Bale: Hubaal wuu seegi doonaa El Clasico.

14800153354647

Xidiga reer Walse ayaa shalay Qaliin lagu guuleeystay ku maray magaalada London ee dalka UK, waxaana uu kamid yahay xidigaha la hubo ee seegi doona El Clasico.

Bale ayaa seegi doona El Clasico iyo 10 kulan oo kale, waxaana olagu wadaa inuu soo laabto Bisha February sanadka cusub.

3-Alvaro Morata: Sidoo kale waa uu seegi doonaa Kulanka El Clasico

14800154362912

Weeraryahanka reer Spain ayaa kamid ahaa xidigaha lafdhabarka u ah kooxda Zidane, waxaana uu kamid yahay kuwa seegi doona kulanka weyn ee El Clasico.

Morata, ayaa dhaawac ka qaba Muruqa Lugta Midig.

Morata ayaa 5-tiisi kulan ee ugu horeeyay 4 Gool u dhaliyay Real Madrid.

4-Pepe: Waa macquul inuu ciyaaro.

Entrenamiento del Real Madrid en Valdebebas
Entrenamiento del Real Madrid en Valdebebas

Xidigan dagaalka badan ayaa in mudo ahba la dhibtoonayay dhaawac kasoo gaaray Muruqa, balse xalay ayuu Real Madrid u ciyaaray Kulan ka tirsan Copa Del Rey.

5-Casemiro: Hubaal isna wuu seegi doonaa

14800155533478

inkastoo uu kasoo bogsaday Dhaawacii uu in mudo ah la maqnaa islamarkaasna uu xalay ciyaaray Copa Del rey, hadana waxeey u badantahay inuu keydka kusoo bilaawdo.

Casemiro ayaan Real u ciyaarin tan iyo Bishii September

Waxaa Diyaariyay: Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here