Ciyaaryahan u dhashay Talyaaniga oo geeriyooday iyo ciyaarihi horyaalka oo la joojiyey

Laacibki hore ee xulka Talyaaniag da,doodu ka hooseeyso 21 jirada Piermario Morosini ayaa dhintay wax yar kadib marki uu wadnaha istaagay inti ay socotay ciyaar ay dheelayeen kooxdiisa Livorno iyo Pescara.

25-jirkaan ayaa jooga ka dhacay daqiiqadi 31-aad ee ciyaarta oo ka tirsaneyd horyaalka labaad ee Seria B-da dalka Talyaaniga, waxaana loola cararay isbitaalka oo uu ku dhintay iyadoo ciyaartiina la joojiyey.
Dhamaan ciyaarihi horyaalka Talyaaniga ee isbuucaan ayaa la hakiyey si loogu baroor diiqo geerida Morosini.

Morosini waxa uu amaah ku joogay kooxda Livorno iyada oo ay laheyd kooxda heerka koowaad ee Udinese.

Marki uu garoonka ku dhacay waxa lagu suray haanta neefta dadka siisa, kadibna waxaa isbitaalka Santo Spirito ee deegaanka Pescara ambalaas, hase yeeshee ma badbaadin.

Bishi hore ayaa sidaasi oo kale waxa iyada oo ay socotay ciyaar ka tirsan tirsan tartanka FA ee dalka Ingiriiska garoonka ugu dhacay oo uu wadnuhu istaagay laacibka kooxda Bolton Fabrice Muamba laakin wuu badbaaday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.