Ciyaartoyda Soomaliya Uga qeyb Galaya Tartanka Olompic-da Oo Goordhoweyd Gaaray Garoonka Heathrow Ee magaalada London

Ciyaartooyda qaranka Soomaaliya umatali doona tartanka Olompic-da ayaa waxay goor dhoweyd gaareen gaaroonka diyaaradaha caalamiga ee Heathrow ee kuyaala magaalada London ee cariga ingiriiska.

Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo ah labada ciyaartooy ee sanadkaan soomaaliya umatali doona ciyaaraha Olompic Games-ka ayaa shalay duhurtii waxay kaduuleen garoonka Adan Adde International ee magaalada Moqdisho.

Soomaali aad ufarabadan oo kunool dalka ingiriiska ayaa markii ay labadan ciyaartoy soo gaareen garoonka London si weyn usoo dhoweeyay kuwaas oo mar uun doonayay in ay indhaha ku buuxdaan wiilka iyo gabadha Soomaaliya u matalaya ciyaarahan qiimaha leh.

Labadan ciyaartooy ee huwan magaca Soomaaliya waxa ay tababar mudo ay ku qaadanayeen magaalada Muqdisho, waxana ugu dambeyntii Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay ka mid noqdeen in ay ka qeybgali doonaan tartanka ciyaaraha Olombikada ee London iyagoo ku tartami doona magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here