Ciyaaraha olombikada London oo furmay

Magaalada London ayaa waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmaya ciyaaraha olombikada ee 2012.

Boqorada Britain Queen Elizabeth ayaa furaysa munaasabadda furitaanka olombikada oo ka dhici doonta garoonka olympic Park oo ku yaalla bariga London. Kumanaan dad ah ayaa ka qeybgalaya furitaanka.

Magaalada London ayaa si weyn ugu diyaargarowday marti-galinta ciyaarahan. ilaa 36 kun oo isugu jiri askar, boolis iyo xubno kale oo amniga ka shaqeeya ayaa u xilsaaran amniga guud ahaa inta ay socdaan ciyaaraha olombikada.

Fannaanka caanka ah ee Paul McCartney ayaa la filayaa inuu ka heeso furitaanka ciyaaraha olombikada. .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here