Ciyaaraha gobolada Puntland oo bilaabanaya dhamaadka bishan

War ka soo baxay xafiiska Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada
iyo isboortiga Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 20-ka bishaan ay bilaabmi doonaan ciyaaraha kubada cakta ee gobolada Puntland.

Wasiirka wasaaradaasi Cabdiweli Xirsi Cabdulle ( Indhaguran) oo war
fidiyeenka kula hadlay Garowe ayaa waxaa uu si cad ah u sheegay in ay
socdaan dadaalo rasmi ah oo ku aadan qabashada iyo marti gelinta


koobkaasi loo dhigayo gobolada Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu intaasi ku daray dadaalka wax ku
oolka ah ee la doonayo qabashada iyo marti gelinta koobkaasi ay si
rasmi ah usoo bilaabatay intii lagu guda jiray dabayaaqaddii sanadkii
la soo dhaafay ee 2011ka.

Dhinaca kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhac dhawaan ku
yimid xiligii loogu talagaly qabsoomida koobka ay ahayd shirkii
wadatashiga ahaa ee wejigiisa labaad lagu qabtay Magaalada Garowe.

Hase ahaatee dhammaan gobolada la filayo in ay ka qeybgallaan
Ciyaaraha gobolada Puntland ayaa waxaa ka mid
ah,Nugaal,Bari,Mudug,Sool,Sannaag,Cayn,Heyland ,iyo Kar-Kaar,kuwaasi
oo haatan wada qaban qaabo xoogan ay ugu diyaar garoobayaan ka
qeybgalka Ciyaaraha gobolada Puntland ee 20ka bishan si rasmi ah uga
furmi doono Garoonka ku bada cagta ee Mire Awaare Garowe.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah loo soo saaro
isku aadka iyo sida ay isugu dhacayaan gobolada ka qeybgeli doono
Ciyaaraha gobolada Puntland ,iyadoo Wasaarada Isboortiga Puntland
looga fahdiyo xiligii ay soo saari lahayd isku aadkaasi.

Puntland ayaa waxaa lagu xasuustaa marti gelinta Ciyaaraha gobolada
dalka Soomaalia kaasi oo in muda ah si rasmi ah uga soconayay garoonka
ku bada cagta ee Mire Awaare ee magaalada Garowe,iminkan ay
tallaabadan qabashada ciyaaraha tahay wejiga labaad ee marti gelinta
Ciyaaraha gobolada Puntland.

By: Cumar Soomane
Garoowe.