Ciyaar Lafi Jibis ah oo Dhexmari Doonta Juventus iyo Barcelona

Habeenimada Axada soo socota ayaa waxaa lagu balansanyahay in lasoo gabagabeeyo Tartanka Euro 2012 ee kasoconaya wadamada Poland iyo Ukrine, kama danbeysta kobkan ayaa waxaa isugu soo haray wadamada Italy & Spain iyadoo ciyaartan loogu magic daray “Barcelona vs Juventus” maadaamada labada xul ciyaaryahanada ukala safanaya intooda badan ay ka imaadeen labadan naadi

Sideed kamid ah ciyaartoyda xulka spain waxay ka imaadeen naadiga Barcelona waxayna kala yihiin Victor Valdes,Gerrard pique,serigio Bosqiuits,Xavi Hernandes,Iniesta,Pedro,Fabregas, iyo Jordi Alba oo lagu wado inuu dhowaan kusoo Biiro Barcelona

Sidookale Juventus ayaa 8 laacib kuleh xulka Talyaaniga kuwaasoo iyagana dhamaantood safan doona kulankaspainwaxayna kalayihiin Buffon,Brazagli,pirlo,Marchisio,Chielini,Bonnuchi,chakarini,

Ciyaarta habeen danbe dhexmari doonta labadan xul ayaa ah mid aad u adag iyadoo caalamka oo dhana ay indhaha kuhayaan su’aasha taagana ay tahayspainmadifaacan doontaa koobkan markeedi labaad oo isku xigga mise talyaaniga ayaa lahoyan doona?