City Palace Iyo Jazeera Hotel oo Barbardhac ku kala baxay

Waxaa maalintii labaad garoonka jaamacadaha ee ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, ka dhacay ciyaartii labaad ee tartanka xiddigaha kubada cagta oo Isniintii furmay.

Shaley waxaa ciyaar xiiso iyo xamaasad badan ay dhex martay kooxaha kala ah Hotelada City Palace iyo Jazeera Palace hotel.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay dar-dar iyo weerrar, waxaana qaybtii horre lagu kala tagay 0 iyo 0.

Labada kooxood waxa u ciyaarayay ciyaartoy tayo wanaagsan, waxaana ka mid ahay ciyaaraha ugu adag tartanka oo dhan.

Ciyaartii ayaa aakhirkii waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 1, waxaana ay kala qaybsadeen dhibcaha tartanka.

Si kastaba, shirkadaha tartanka ka qeyb galaya loogu dhiiri geliyo Sportiga ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ugu talagalay cayaar kasta in ay yeelato astaan u gar ah astaantaas oo qofkii sawirkeeda arka uu si fudud ku ogaan karayo cida galabtaas cayaarta leh.

Tartankan ayaa Isniintii furmay, waxana sida uu sheegay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta socona doona ilaa iyo 12-ka bisha dambe waxaa hada hogaamineysa kooxda Nation Link Telecom E-maal oo shalay 3-2 kaga adkaatay kooxda Singjey. Waxaa laga dhur sugayaa cida guushu ay raacdo galabta oo soo labeysa Nation Link.

Galabta waxaa is arki doona kooxaha Liido Sea Food iyo Global Hotel.

Cayaartoyda tartankan ka qayb-galeysa ayaa laga soo xulay horyaalladii heerarka koowaad iyo labaad ee dalka ee dhowaan la qabtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here