Ciiidamada AMISOM oo saldhig milatari ka samaystay garoonka dayuuradaha ee Ballidoogle(Sawiro)

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ah ee dhowaan gaaray degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay saldhig milatari ka samaysteen garoonka dayuuradaha ee Ballidoogle ee gobolka Sh.hoose.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen Dhegabadan ayaa waxa uu sheegay in garoonka dayuuradaha ee Ballidoogle uu yahay garoon caalami ah isla markaana ay isticmaali doonaan  ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Generalka ayaa waxa uu xusay in ciidamada xoogga dalka ay dhowaan isku xiri doonaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo kadibna u jeesan doonaan sidii ay isugu furi lahaayeen wadada laamiga ah ee Muqdisho illaa Beledweyne.

Sidoo kale Generalka ayaa xusay in ugu dambayntii ay isku furi doonaan magaalada Muqdisho illaa Kismaayo.

Garoonka Ballidoogle ayaa ah wadada ay dayuuradaha ka haadaan ay dhererkiisu gaarayo illaa 4km taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah garoomada dayuuradaha ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Inta aan dib loo furin garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dayuuradaha isticmaali jireen garoonka Ballidoogle oo ay gacanta ku hayeen ilaalo beeleed.

Dib u qabsashada garoonka dayuuradaha ee Ballidoogle ayaa u ah muhiimciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM maadaama ay isticmaali karaan dayuuradaha yar yar iyo kuwa waaweyn.

 


 


 


 


 


 


 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here