Ciidamadi dilay Osama Bin Laden ayey ahaayeen kuwi habeen hore howlgalka ka fuliyey Somalia

Ciidanki Mareykanka ahaa ee habeenki Salaasada ka furtay burcad badeeda Soomaalida laba laheyste oo ajnabi ahaa ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ciidamadi fuliyey howlgalki sanadki hore lagu dilay hogaamiyaha Al Qacida Osama Bin Laden.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo isla habeenkaasi qudbad u jeediyey guud ahaan shacabka Mareykanka ayaa ugu hambalyeyey howlgalka badbaadinta ahaa ee ay ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya Xogahayihiisa Difaaca, isaga oo ku yiri ‘shaqo wanaagsan ayaad qabateen caawa’.

Cutubkaan gaarka ah ee ka tirsan kumaandooska Mareykanka oo aanan la garan magacyadooda ayaa sidaan oo kale bishi May ee sanadki hore howlgal aan caadi aheyn ka fuliyey Pakistan iyaga oo ku dilay hogaamiyaha Al Qacida.

Sida uu qoray wargeyska Belfast Telegraph, inti ay socotay qudbada madaxweyne Obama ee habeen hore, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka iyaguna waxay usii duulayeen dalka ku yaala Geeska Africa ee Soomaalia si xilli habeen ah ay usoo badbaadiyaan laba shaqaale oo u kala dhashay Mareykanka iyo Denmark oo afduub loogu heystay deegaan u dhaxeya gobolada Galguduud iyo Mudug.

Inkastoo madaxweyne Obama uusan sheegin howlgalkaasi, hadana waxa uu u mahad celiyey kooxdi fulisay, gaar ahaan howgalki Pakistan isaga oo yiri: “Waxa aan ugu farxada badnaa waa kooxda lixaad ee ciidanka gaarka ah ee fulisay howlgalki lagu dilay Bin Laden mission”.

Shaqaalaha laga soo badbaadiyey burcad badeeda Soomaalida ee kala ah Jessica Buchanan oo ah 32 jir Mareykan ah iyo Poul Hagen Thisted oo ah 60 jir u dhashay dalka Denmar ayaa waxa laga afduubay magaalada Gaalkacyo iyaga oo halkaasi ka waday mashruuc dhinaca miino baarista ah oo ay fulinaysay hey’ada DRC.

Sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool tuulada laga sameeyey howlgalka, ciidamada Mareykanka ayaa socod ku tagay goobta lagu hayey laheystayaasha iyaga oo helikobtaro uga soo dagay meel u jirto boqolaal mitir, waxaana ay ugu tageen goobta kooxihi burcad badeeda ahaa ee heystay labada ruux ee ajnabiga ah oo hurdaya.

Bile Xuseyn oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in burcad badeeda ay xiligaasi hurdayeen marki ay ku dhafreen jaad cunid, isaga oo ntaasi ku daray in subaxdi laga helay goobta sagaal nin oo meyd ah iyo sadex ay horay u kaxeysteen ciidamada Mareykanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.