Ciidanka Ruushka oo Hanjabaad ujeediyey Burcad badeeda Somalida

PiratesMaraakiibta dagaalka iyo doomaha ciidamada badda ee dalka Ruushka ayaa la sheegay inay sii wadi doonaan gudashada ka hortaga weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay inay weeraraan maraakiibta rayidka leeyihiin iyo kuwa gargaarka wada.

Taliyaha ciidamadaasi Admiral Viktor Chirkov, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in weeraradaasi ay ka dhacaan biyaha gacanka Caadan iyo bariga qaaraad Africa.

Taliyaha u hadlay ciidamada badda ee dalka ruushka ayaa sheegay in howglada lagu dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay kasii wadi doonaan dhanka biyaha ka baxsan Soomaaliya si loo difaaco weeraro kaga yimaada burcad badeeda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in marar badan ay ka hortageen weeraro lagu afduuban rabay maraakiib gargaar wada iyo kuwo ganacsi ah, sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay inay kordhin doonaan ka hortaga weerarada burcad badeeda.

Ciidamada ruushka ayaa ka mid ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda tan iyo sanadkii 2008, dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here