Ciidanka oo war kasoo saartay duqeynti ay ka geysatay Hosingo

Afhayeenka milatariga Kenya ayaa sheegay in duqeynti ay shalay ka geysteen deegaanka Hosingo in ay ku bartilmaameedsadeen Al Shabab.

Emanule Chirchir oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in ay ku laayeen duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen tuulada Hoosingo oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose dagaalyahano iyo hogaamiye ka tirsan Al Shabab.

Mr Chirchir wuxuu sheegay in ay dileen 17 ka mid ah dagaalyahanada Al Shabab oo uu ku jiray buu yiri hogaamiye iyo nin taliye ahaa sida uu hadalka u dhigay, isaga oo inkiray in ay dileen rayid.

“waxaan shalay weerarnay Tuulada Hosingu, laba weerar ayaan qaadnay waxaan ku dilnay taliye ciidan iyo mid maamulkooda ka tirsanaa, anaga shacab maanan laayin waxa aan laaynay waa Al Shabab,” ayuu yiri afhayeenka.

Duqeymo ay shalay ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya ayey ku dileen ugu yaraan 17 ruux oo dhamaantood ahaa rayid sida ay sheegayaan dadka deegaanka, waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 40 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.