Ciidanka Nabadsugida oo soo bandhigtay meydka wiil ka tirsanaa Al Shabab

Ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa soo bandhigay meydka wiil dhalinyara ah oo ay sheegeen in lagu toogtay Suuqa Bakaaraha xilli uu diiday inuu dhiibo bambooyin uu watay.

Taliyaha ciidanka nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg ayaa warfidiyeenka tusiyey meydka wiilka iyo wiil kale oo nool oo labaduba uu kusheegay in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab.

“Dadkaan dhib ayey kusoo wadeen shacabka, waxaan xog ku helnay in bambooyin la keeni doono suuqa Bakaaraha kadibna u qeybin doonbo rag argagixiso ah laakin waxaan gacanta ku dhignay isaga iyo ninkaan kale, wuxuu isku dayey inuu cararo laakin waan tooganay,” sidaasi waxa yiri Qaliif Axmed Erag.

Ciidamada nabadsugida ayaa xoojiyey amaanka Suuqa Bakaaraha tan iyo marki weeraro bambooyin lagu qaaday halkaasi hal todobaad ka hor laguna dhaawacay ku dhawaad 11 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.