Ciidanka nabadsugida dowlada KMG oo howlgalo sameeyey

Ciidanka nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayaa howlgalo ay xalay ka sameeyeen degmooyinka Wardhiigleey, Yaaqshiid iyo Daayniile kusoo qab qabtay hub iyo dhalinyaro lala xiriirinayo Al Shabaab.

Taliyaha ciidanka nabadsugida gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay ugu suura gashay howlgal gaar ah oo ay xalay fuliyeen ciidamada loo yaqaano gaarka in ay ku qabtaan hub, walxaha qarxa iyo dad uu ku tilmaamay nabad diid.

“Howlgal balaaraan oo hey’ada nabadsugida ka waday degmooyinka Wardhiigleey, Deyniile iyo Yaaqshiid ayaan ka shaqeyneynay ayaan kusoo qabanay dad badan oo nabad diidka ah iyo walxaha qaraxa oo ay dhulka geliyeen, sharciga ayaan geyneynaa howlgalkana waa mid gaar ah” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in howlgalkaan uu sii socon doono lagana fulin doono dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

“Dhamaan howlgalada 16-ka degmo ee gobolka waan ka fulineynaa, waxaana wax ka qabaneynaa kuwo dadka dhibay nabadana kasoo horjeedo, waxaan jecelnahay in qof walba isaga oo xor ah uu gurigiisa hor fariisto,” ayuu yiri.

Waa howlgalki ugu horeeyey oo ay ciidanka nabad sugida si isku mid ah uga fuliyaan sadexdaasi degmo todobaadyadi lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.